Dad badan oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan tobban ruux ayaa ku naf-weysay, tirro kalana way ku dhaawacmeen kadib shil gaari oo xalay ka dhacay isgoyska Howlwadaag ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sidda ay sheegeen goobjoogeyaal, shilka wuxuu yimid kadib markii gaari xamuul ah uu dardaray dhowr mooto oo nooca Bajaajta ahaa.

Mustaf Cali Kheyre, gudoomiyaha degmadda Howlwadaag, ayaa shaaca ka qaadey in ay kordhi karaan khasaaraha dhimashadda iyo dhaawac "maadaama aanan wali tirakoob laga sameynin Isbitaaladda".

"Sidoo kale, khasaaro maaliyadeed ayaa jira oo soo gaaray hanti ay leeyihiin muwaadiiin Soomaaiyeed," ayuu Khayre hadalkiisa raaciyey.

Warbixinada ayaa waxay intaas ku darayaan in dadka ku geeriyooday mashaqadan ay u badan yihiin darawada Mootooyinka Bajaajta.

Gaariga ku lug-yeeshay dhacdadaan ayaa lagu waramay in uu soo fariin-goostay isla markaana uu ka yimid dhanka Suuqa Bakaaraha.

"Ma cadda hadii dadka dhintay uu kamid yahay darawalka gaariga ama in uu nool yahay lana qabtay, balse jawiga meesha ay wax ka dhaceen ma qurux badneyn," ayuu yiri goobjooge la hadlay Garowe Online.

Wadooyinka Muqdisho waxaa isugu darsamay burbur iyo mashquul badan, waxaana la aaminsan yahay in ay kamid tahay arrimaha sahlaya shilalka gaariga iyo waxyeeladda badan ee dadka rayidka ah kasoo gaara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM