Dad ehel ah oo ku leeday hoobiyeyaal lagu duqeeyay xerada Xalane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tirro madaafiic ah ayaa aroornimadii Axada maanta ah waxaa laga maqlay qaybo kamida magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Maleeyshiyaadka xagjirka ah ee Al-Shabaab oo dusha saartay falkaas ayaa wariyey in ay ku beegsadeen xerada AMISOM ee Xalane.

Balse warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ma xusin khasaaraha.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeyntan oo illaa iyo haatan ay dhacdadaan kasoo saareen lamaaha amaanka Soomaaliya iyo taliska howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan hore madaafiic loogu garaacay xaafadaha ku teedsan saldhiga Xalane, oo fariisin u ah diblumaasiyiinta wadamadda caalamka iyo UN-ka.

Dhimashada dad isku qoys ah

Dhowr illo wareed ayaa ku waramay in qaar kamid ah hoobiyeyaasha ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen shacab gaar ahaan dad isku qoys ah. Si lamid ah, waxaa ku leeday Geel badan.

Daryenta madaafiicda oo la maqlay abaare 7:20am, xilliga Muqdisho, waxay ku kala dhaceen kontarool ciidan, xero lagu xareeyo xoolo Geel u badan iyo guri ay ku nool yihiin dad shacab ah.

Madfaca ku habsaday kontaroolka ciidanka dowladda ee nawaaxiga xerada Xalane ayaa lasoo wariyey in ay ku geeriyoodeen shan qof oo rayid ah – afar isku qoys ah iyo haweenay waayeel ahayd.

Hoobiyaha ku dhacay xerada Geelle ee ku taala xaafada Tarabuush ee degmadda Wadajir ayaa galaaftay tirro neef oo Geel ah.

"Hoobiyaha wuxuu soo dhacay iyaddoo qaar kamid ah Geele laga lisayey Caano," sidaas waxaa GO u sheegay goobjooge ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen, balse codsaday in la magacaabin.

Al-Shabaab ayaa aalaaba marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan waxay ka fulisaa magaalooyinka ay Muqdisho kamid ah falal liddi ku ah amniga, mana muuqdo qorshe ay dowladdu uga hortegeyso arrinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM