Dad ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax gaari oo Sabtida maanta ah ka dhacay degmada Dharkeenley ee Muqdisho.

Qaraxa oo lagu sheegay nooca gawaarida lagu dhejiyo ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Xoosh iyo Ex-kontarool ee duleedka caasimadda.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in laba qof ay ku geeriyootay weerarkaas, mid kalena uu ku dhaawacmay falkaas.

Ruuxa dhintay ayaa la tilmaamay in uu ahaa darawalka gaariga qarxay, halka qofka kale uu la socday baabuurka.

Saraakiisha nabad-gelyadda ayaa ka gaabsaday in ay fahfaahin ka bixiyaan waxay ahaayeen dadka la socday gaariga.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku tilmaantay askar ka tirsan dowladda federaalka, wallow aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin xogtaas.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan dhabarka u rita falalka liddiga ku ah ammaanka ee ka dhaca koonfurta iyo qeybo kamid ah bartamaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM