Dad ku dhintay qarax haleelay gaari ay la socdeen rayid

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Laba qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen qarax miino oo Jimcada maanta ah ka dhacay gobolka Mudug kaasoo la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Qeycad iyo Bacaadweyne halkaasoo maalmihii u dambeeyay ay ku dagaalameen cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya iyo maleyshiyada Al-Shabaab.

Qof kamid ah dadka degaanka oo dalbadey in magaciisa aan loo adeegsan qalabka warbaahinta sababo la xiriira in uu u baqayo ammaankiisa ayaa xusay in gaariga qaraxa dul-maray uu ahaa BL hoomey ah.

"Kaliya labadaas qof ayaa saarnaa baabuurka. Waxaa loo maleynayaa in ay ahaayeen darawalka iyo karish-boyga," ayuu hadalkiisa ku daray, isaga oo xusay in goobta ay daqiiqado kadib yimaadeen ciidamadda.

Ciidamada Soomaaliya ayaa todobaadkan ka dhawaajiyey in ay Al-Shabaab kala wareegeen degaanka Bacaadwayne oo ay xukumayeen saddexdii sano ee lasoo dhaafay wallow lasoo wariyey in ay ka baxeen.

Saraakiil hogaamineysay howlgalkaas ayaa daaha ka rogay in dagaal ay la galeen xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay ku dileen dhowr dagaalame iyo horjoogeyaal aysan soo bandhigin magacyadooda.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda waxay soo sheegtay in ay dib ula wareegtay gacan-ku-haynta magaalada Bacaad-wayne isla markaana ay haatan si buuxda u maamuleyso, wallow aysan soo bandhigin caddeymo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM