Dad ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho [Magacyada]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax ka dhacay duleedka Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, maanta oo Isniin ah.

Qaraxa oo noociisa ay baaritaano ku waddaan laamaha ammaanka ayaa laga soo wariyey inta dhaxeysa Xaawo Cabdi iyo Lafoole.

Weerarka ayaa lagu beegsaday gaari nooca raaxadda ah, sidda laga soo xigtay dadka degaanka meesha ay wax ka dhaceen.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in ay arkeen meydadka afar qof oo la socday baabuurka.

Gaariga ayaa ka yimid degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay GO u sheegeen illo wareedyo dhinaca amniga ah.

Ismaaciil Khaliif, agaasimaha Radio Wanlweyn, oo xaqiijiyey warkaas ayaa tacsi u diray eheladda iyo asxaabta dadka dhintay.

Magacyadda saddex kamid ah dadka geeriyooday ayaa lagu kala sheegay; Zakariye Macalin Xaaji Cali, Cabdiqaadir Garaar iyo Nuuradiin.

Zakariye ayaa ahaa ganacsadde, halka labadda kale la tilmaamay in ay kamid ahaayeen bahda gaadiidleyda ee degmadaas.

"Shaqsiga afaraad wali ma helin magaciisa, balse waan filayaa in uusan ahayn qof degaanka ah," ayuu Ismaaciil ku daray hadalkiisa.

Illaa iyo haatan lama ogga hadii qaraxa uu ka dhashay Miino lagu soo dhejiyey gaariga ama in uu yahay mid la dhigay wadada dhinaceeda.

Si lamid ah, waxaanan wali jirin cid dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, inkastoo dhacdooyinkaan oo kale looga bartay Al-Shabaab.

Bishii hore, weeraro noocaan ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho oo lala eegtay ciidamo waxaa sheegtay xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM