Dad ku dhintay weerar ay dabley ka fulisay Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Saddex qof ayaa ku dhimatay, tirro kalana way ku dhaawacmeen weerar gaadmo ah oo dabley ay xalay ka fulisay bartamaha caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Marxuumiinta oo dhamaantooda ahaa shacab ayaa waxaa kamid ah Cumar Nuur Calow, ganacsade, iyo Liibaan Cumar, mid kamid ah dhalinyaradda xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in kooxda hubeysan ay si aan kala sooc lahayn rasaasta ugu beegsatay dadka shacabka ah oo waqtigaas ku sugnaa meelo lagu caweeyo.

Illaa haatan, ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysay beegsigan. Sidoo kale, waxaanan wali la aqoonsan waxay ahaayeen dableyda oo lagu waramay in ay badankooda indhaha soo qarsadeen.

"Dadka ku dhaawacmay rasaasta oo tiradoodu ka badan tahay illaa lix ruux waxaa loola cararay goobaha caafimaadka halkaasoo lagula tacaalayo caafimaadkooda," ayay ku daray qof goobjooge ahaa.

Taliska booliska Dhuusamareeb oo si kooban uga warbixiyey falkaas una tacsiyeeyay marxuumiinta soo kabashana u rajeeyay bukaanada ayaa tibaaxay in uu baaritaan ku sameyn doono dhacdadan.

Dhacdadan oo su'aallo badan dhalisay qaabka ay dableyda ugu suurtagashay ayaa imaaneysa iyaddoo lagu waddo in caasimada Galmudug ay dhowaan ay ka bilaabato doorashooyinka heer federaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM