Dad kusoo dhaawacmay dagaalka Dhumay oo Muqdisho la keenay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad siday 22 qof oo kamid ah dadka ku dhaawamay dagaal beeleedka Dhumay ayaa kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar sii horeysay u dirtay gobolka Sool diyaarad sida deeq daawooyin ah si wax loogu qabto dadka wax ku noqday colaad dib uga soo cusboonaatay tuulada Dhumay, oo 30-KM u jirta Laascaanood.

Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiiro heer Federaal ah ayaa qayb ka ahaa wafdiga diyaaradda ku wehlinayey socdaalkeeda Woqooyiga dalka, kuwaasi oo uu hogaaminayay Wasiirka kaluuumaysiga Soomaaliya, Cabdulaahi Bidhaan.

Illo xog ogaal ah ayaa u sheegay warsidaha GO in dhaawacyadda laga soo qaaday magaalooyinka Garoowe iyo Galkacayo, halkaasi oo markii hore la keenay maalin kadib markii uu dagaalka qarxay.

Inta la xaqiijiyay 50 ruux oo dhinacyadda dagaalamay ah iyo shacab, ayaa ku geeriyootay iska hor-imaadka, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen dagaalka oo salka ku hayo dhul ay beelaha walaalaha ah isku haystaan.

Baaqyo nabadeed oo dhawaq culus wata ayaa uga yimid beelaha ku dagaalamaya Dhumay dhinaca dowladda Federaalka, maamulada Puntland iyo Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadda, kuwaasi oo ku baaqey in la joojiyo colaadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM