Dad loo xiray Dil argagax leh oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska ayaa dad gaaraya saddex qof u xirey fal laga argagaxay oo lagu khaarijiyay Aabo Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jirey Axmed Muqtaar Saalax, kaasi oo maalintii Jimcada nolosha lagu gubay.

Dilka arxan-darrada ah ee loo geystay Saalax oo ka dhacay degmada Yaqshid, gaar ahaan Xaafadda Towfiiq ayaa ka dambeeyay markii Wiil uu adeer u yahay uu guur-sadey Gabar ka dhalay mid kamid ah beelaha ku awoodda badan Muqdisho.

Axmed Mukhtaar Saalax, oo kasoo jeeday beelaha la heeb-sooco [Jareer], ayaa waxaa weerar ku qaadey isagoo ku sugan Garaash uu ka shaqeynayay Gabadha hooyadeed iyo walaalaheeda, oo ku hubaysanaa Mindiyo, Baangado iyo warran, kuwaasoo inta dilay kadibna meesha ku gubey meydkiisa.

Gabadha uu guursadey Wiilka ninka la dilay adeerka u yahay ayaa waxaa bixiyay sida la sheegay adeerkeeda, isagoo ogolaadey guurkooda, kaasoo hadda la sheegay inuu bilo-jirsaday, iyadoo qoyska carro arintan ka qaadeen kala dul-dhacay Axmed.

Meydadka ninka oo baraha bulshada lasoo dhigay ayaa abuurey hadal-heyn badan, iyadoo aad loo cambaareeyay in qof Muslim ah lagu heeb sooco beesha uu ka dhashay qarnigan 21-aad.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay saddex qof oo kamid ah dadki fuliyay dilkan argagaxa leh, inkastoo shaqsiyaadka fal-dambiyeedka geystay ay wadar ahaan gaaranayaan Lix ruux, sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Taliyaha Booliska Somalia, Jen Bashiir Cabdi Maxamed [Ameeriko] oo shir jaraa'id uu ku qabtey Muqdisho kusoo hadal-qaadey kiiska Saalax ayaa tibaaxey inay cadaaladda hor-gayn doono shaqsiyaadka gacantooda ku jira, kuwa kalena ay ku raadjoogaan.

Aameeriko ayaa xusay in Booliska uu si dhow ula socdo kiiska Marxuum Saalax, kaasoo sawiro laga soo qaadey ay muujinayeen inuu si xun ugubtey, wuxuuna taliyuhu balanqaadey inay soo qaban doonan cid walba oo magaalada fal dambiyeed ka geysata.

"Magaalada meel walba waxaa jooga ciidamo Boolis ah. Waxaan idin sheegayaa in qof kasta oo fal dambiyeed geysta, darajaduu doono ha haysto gacanta lagu soo dhigo doono. Waxaan idin balanqaadayaan in fal dambiyeed walba oo dhaca in dad loo xiro doono, maxkamad loosoo taagi doono," ayuu xusey taliyuhu.

Dilka AUN Axmed, oo ahaa Seyga labo Xaas ah ayaa ifka kaga tegay in ka badan Tobban caruur ah, kuwaasoo isugu jira Gabdo iyo Wiilal, xili falka dunida lagu dhaafiyey ay si wayn kaga caroodeen Bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM