Dad loo xiray dil wiil Soomaali ah loogu geystay waddanka Ingiriiska

Image

LONDON, UK – Laba qof oo 18-jir iyo 19-jir kala ah ayaa loo xiray dil wiil Soomaali ah, kaasoo lagu magacaabo Xasan Jaamac, loogu geystay xaafada Highfields, magaalada Leicester, ee wadanka Ingiriiska.

Kadib baaritaano, saraakiisha amniga ayaa sheegay in khaarijinta oo dhacday aroornimadii Sabtidii todobaadkan loo adeegsaday Toorey. Jaamac wuxuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey weerarka.

La tuhunsaneyaasha oo xabsi ku jira ayaa wajahaya su'aallo waydiin la xiriirta falka dhacay xilli laamaha ammaanka ay baadigoobayaan dad shacab ah oo arkayey wixii meesha ka dhacay si ay kiiska u furaan.

Waraaqado lagu qoray luuqadaha Soomaaliga, Ingiriiska, Punjabi iyo Gujarati ayaa lagu daadiyey magaalada, waxaana lagu codsanayaa macluumaad dheeriya oo caawin kara saraakiisha baaritaanka bilaabay.

Taliska Booliska oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa kalsooni ka muujiyey in ay cadaaladda horgeeyaan gacan ku dhiigleyaasha dilay Jaamac.

"Illaa iyo haatan waxaanu uruurineynaa caddeymaha iyo macluumaad. Sidaad la socotaan mar walba oo aan xog hesho waxay kuu sahleysaa in aad ogaato sidday wax u dhaceen," ayaa la raaciyey bayaanka.

Bayaanka ayaa looga codsaday dadweynaha in ay soo gudbiyaan hadii ay hayaan xog caawin karta in lasoo qabto "gacan ku dhiigleyaasha".

Dilalka Soomaalida loogu geysanayo ayaa ku badan dalalka Yurub, mana cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa. Hase ahaatee, waxay imaanayaa xilli ay sii kordheyso tiradda maandooriyaha isticmaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM