Dad shacab ah oo lagu dilay duleedka Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan lix ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya maanta oo Talaado ah.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in dadkan ay saarnaayeen Gaari HOMY ah [Caasi], ay dabley hubeysan kala degeen Gaariga xilli ay marayeen degaanka Lafoole, kadibna ay toogasho ku dileen.

Dadka la dilay oo ka yimid dhanka Afgooye, ayaa waxa ay ahaayeen Odayaal dhaqameed, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka, kuwaasoo saddex kamid ah ay ahaayeen walaalo hal qoys kasoo wada jeeda.

Falkan naxdinta leh ayaa la ogeyn sababta ka dambeysa iyo cida geysatay, iyadoo dadka degaanka Lafoole ay sheegeen in koox afka soo duubtey ay fuliyeen, kuwaasoo goobta ka baxsadey kahor inta aysan ciidamada dowladda soo gaarin.

Dilka dadkaan oo ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Xaawo Cabdi iyo Lafoole, ayaa la sheegaya in uu salka ku hayo aano qaabil, balse ma jirto faahfaahin in taas ka badan oo saraakiisha amniga degaanka ay bixiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM