Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Image

BAYDHABO — Dagaal ayaa ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kadib markii ciidamo taabacsan hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo amni iyo dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadka uu billowday kadib weerar ay qaadeen ciidamada taageersan Laftagareen, taasoo sare u qaaday xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan gobolka.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, iyadoo sidoo kale aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed.

Xaaladda magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku dhow ayaa weli kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in dagaalladu sii fidaan.

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari oo u dhexeeyay isaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xiisadda ayaa markaas ka dhalatay muran la xiriiray doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Lafta-Gareen oo hadda ku sugan Kenya ayaa sheegay inuu wali yahay Madaxweynaha sharciga ee Koonfur Galbeed, isagoo wacad ku maray inuu dib ugu laabanayo Baydhabo, wuxuuna Ciidamo ku aruursanayaa duleedka Magaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaaradaha F-16 ee Turkiga oo duqeyn ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo milatari ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    31-08-2026

  • 08:10AM

Dagaal culus oo maalintii lixaad ka socda deegaanka Basra oo ku dhaw Muqdisho

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen rasaas xooggan iyo qaraxyo isdaba joog ah oo ka dhacaya goobaha lagu dagaallamayo.

  • Soomaliya

    30-08-2026

  • 12:22PM