Dagaal xoogan oo ka qarxey magaalda Muqdishu

Image

Dagaal saaka 15 August,2014 ka dilaacey magaalada Muqdishu ayaa waxaa ku dhintey 15 qof halka dhaawaca gaarayo Labo iyo toban qof sidas waxaa saxaafada u sheegey hay'adaha caafimaadka.

Dagaalkaan ciidamada Somalia oo tageero ka helaya kuwa AMISOM ayaa waxey ku qaadeen guri uu leeyahay gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir islamarkaana horey uga mid ahaa dagaal ogayaasha Muqdishu Axmad Daaci.

Dagaalkaan ayaa daba-socdey qorshaha hub-ururinta dowlada Federaalka maalmihii ugu dambeeyey ka sameynaysay magaalada Muqdishu kaasoo ku aadan dagaal ogaayaasha iyo hubka sida gaarka loo leeyahay, waxaana dagaalkaas lagu qabtey koox kamid ah dagaal oagaha maleshiyadkiisa iyada oo aan la aqoon halka uu jaan iyo cirib dhigey Axmad Daaci.

Weerarkaan ayaa dhinaca kale daba socdey olole hub-ururin ah oo ka socdey magaalada Muqdishu asbuucii la soo dhaafey kaasoo dowlada Federaalka sheegtey in hub gaaraya 500 qori iyo rasaas farabadan lagu qabtey.

Barlamanka dowlada Fedraalka Somalia ayaa dhowaan ansaxiyey sharci fasaxaya in hubka sharci darada ah laga wareejiyo gacanta shacabka kaas oo galey 20 sano ee dagaalka sokeeye uu ka socdey Somalia gaar ahaan Koonfurta dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi: Diyaaradaha F-16 waxuu Turkiga usoo diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

Turkey ayaa muddo dheer ka mid ahayd dalalka muhiimka ah ee Soomaaliya ka taageera dhinacyada tababarka ciidan.

  • Soomaliya

    04-02-2026

  • 11:58AM

Cirro: Waxaan rajeynayaa in Trump “maalin uun” aqoonsan doono Somaliland

Somaliland waxay sidoo kale iskaashi la leedahay UAE, iyadoo DP World ay tahay maalgashade weyn dekedda Berbera. 

  • Soomaliya

    04-02-2026

  • 11:26AM