Dagaalameyaal Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba kamid ahaa Al-Shabaab ayaa lagu khaarijiyey duqeyn dhanka cirka ah oo lagula eegtay nawaaxiga degaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa xaqiijiyey howlgalkaas oo la qaadey 28-kii Febraayo, 2020.

AFRICOM ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in uusan jirin waxyeelo dad shacab ah oo howlgalka kasoo gaarey.

"Iyaddoo la kaashanayo Dowladda Soomaaliya, waxaan laba duqeyn oo aan Al-Shabaab la beegsanay waxaan ku dilnay laba argagixisada ka tirsan," ayuu lagu yiri qoraalka oo uu arkay GO.

Dhinaca ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalka oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Mareykanka ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay xoojiyey adeegsigiisa awooda cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Sanadkii hore 2019, Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyey in ka badan 60 duqeyn dhanka cirka ah, waxaana 2020-ka la filayaa in ay korodho maadaama la dareemayo dardar aad u xoogan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM