Dagaal culus oo baraha bulshada ku dhexmaraya Fiqi iyo duqa Muqdisho
MUQDISHO, Soomaaliya – Dagaal dhanka afka ah oo u dhaxeeya Eng Yariisow, duqa Muqdisho iyo Axmed Macalin Fiqi oo ah Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka ayaa ka socda baraha bulshada.
Labada mas’uul oo u muuda inay biyo hoostiisa iska arkeen, ayaa is-dhaafsanaya hadallo uu midba midka kale ku weerarayo shaqsiyadiisa, iyagoo isku jeedinayay eedeymo culus, oo hadal-heyn abuuray.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay maamulka gobolka Banaadir ee uu hogaamiyo Eng Yariiisow inuu ku tagri fallo lacaha canshuurta ah ee shacabka laga soo qaado, taasoo aan lagu qaban adeegyada ay bulshada u baahan yihiin, sida in lagu dhiso wadooyinka, Iskuuladda iyo Isbitaallada.
Fiqi ayaa sheegay in Muqdisho noqotay magaalo deris la ah qashinka iyo qaraxyo, sidoo kalena wadooyinkeedu ay habeenkii yihiin mugdi, qaarkoodna ay weli burbursan yihiin, oo biyo fadhiyaan.
Qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu Fiqi cinwaan uga dhigay: Badweynta maamul xumada iyo wax isdabamarinta ee uu dhex-dabaalanayo gudoomiyaha gobolka Banaadir.
“Illaa iyo qatigee ayuu gobolka Banaadir canshuurtiisu ay noqonaysaa mid aan adeegyadii awgood dadka looga qaaday aan lagu qaban?,” ayaa yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.
Fiqi ayaa ka dalbaday Farmaajo inuu baalka ka soo bixiyo Yariisow si loola xisaabtamo.
Dhankiisa, duqa Muqdisho ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedeymaha Fiqi, isagoo Xildhibaanka ku sifeeyay qaswade ku farxa qaraxyada argagaxisada.
“Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi danbigii uu shacabka ka galay oo aheyd in lagu maxkamadeeyo ayuu fowdo u joog noqday, ee haloo sheego in Caasimada Muqdisho aysan u baahneyn qaswade ku farxa qaraxyada argagaxisada,” ayuu Eng Yariisow ku yiri qoraal uu soo dhigay maanta Twitter-ka.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Fiqi iyo Yariisow isku adeegsadaan hadallo noocan ah baraha ay bulshada kuwada xiriirto [Social Media], waxaa xusid mudan in sanadkii tagey ay dhexmartay xiisadda,a balse markii dambe la xaliyay.
Lama oga illaa hadda waxa uu salka ku hayo dagaalka Eng Yariisow, oo lagu tiriyo mas'uuliyiinta ku dhaw Villa Somalia iyo Xildhibaan Fiqi oo mucaarad ku ah maamulka Farmaajo.
GAROWE ONLINE