Dalab liddi ku ah xukuumadda Soomaaliya oo loo gudbiyey ICAO

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa soo saarey war-saxaafadeed ay tafaasiil kaga bixinayeen "is hortaagii" socdaalka Beledwayne, halkaas oo ay todobaadkaan gurmad gaarsiiyeen.

Wafdiga waxaa qayb ka ahaa Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, hogaamiyeyaal xisbi iyo Xildhibaano ka tirsan labadda aqal ee baarlamaanka federaalka, kuwaas oo gargaarka waday.

Xubnahaan ayaa dhowr saacado "lagu xanibay" Aadan Cadde. Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in loo sheegay in madaarka Beledwayne aysan ka degi karin diyaarado sababo ku aadan in ay biyo fadhiyaan.

Dood dheer kadib, waxaa loo fasaxay duulimaadka. Markii ay garoonka dul-tageen duuliyaha ayaa ka waabtay in uu dejiyo sababtoo ah qayb ahaan garoonka oo biyo ay fadhiyeen.

Muran dhexmaray duuliyaha iyo Xasan Sheekh, madaxweynihii 8aad ee dalka, ayaa keentay in uu bedelo maankiisa kuna laabto garoonka sidaas ku dejiyo diyaaradda.

Warka qoraalka ah ayey waxay ku sheegeen xukuumadda "ku talogashay" in ay xayirto safarkooda gurmad gaarsiinta ahaa.

Laanta Fulinta ee dalka ayaa waxay ku eedeeyeen "in ay hub ahaan u adeegsaneyso" adeegyadda duulimaadka "si ay ugu ciqaabto" dhinacyadda sharafan ee aragti ahaan ka duwan.

"Isku dayga is hortaaga waa xadgudub cad oo ku aadan qodobada 13aad iyo 15aad ee Dastuurka, kaas oo u damaanad qaadaya ruux walba badqab iyo amni," ayay ku yiraahdeen bayaankooda.

Axsaabta ayaa soo jeediyay Guddi madax banaan oo baaritaan ku sameeya "gunta iyo cawaaqibka hub u isticmaalidda hawada dalka si loogu ciqaabo siyaasiyiinta ka aragtida duwan kuwa talada haya".

Hay'adda ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan hawadda taas oo dhowaan dowladda Soomaaliya ku wareejisay shaqadaas ayay ka codsadeen in qudheeda ay dabagal ku sameyso dhacdooyinka.

"Inta ay dowladdu ka weecaneyso sharciga, Madasha Xisbiyadda Qaran waxay qaadi doonan talaabo kasta oo maxkamad lagula korayo falalkeeda baalmarsan shuruucda," ayay kusoo xireen qoraalkooda.

Siyaasadda Soomaaliya ayaa meel kar-kar ah mareysa kahor doorashadda 2020/21 taas oo madmadow uu ku jiro qaabka ay noqoneyso maadaama aan wali heshiis wadajir ah laga gaarin hanaankeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM