Dalal go’aan ka gaaraya aqoon-sashada Baasaboorka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka gaar ahaan Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa sanadihii u dambeeyay waday dedaalo ay aqoonsi ugu raadineyso Baasaboorka Soomaaliya.

Howlahaasi oo ay kaabeyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa qaarkood waxaa kasoo baxay natiijooyin wanaagsan balse weli waa faanoole fara ka qodna, maadaama ay harsan yihiin wadamo badan.

Badi dalalka qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika waa ay ogolaadeen Baasaboorka dalka dhaca Geeska Afrika, waxaase su'aal geliyay reer Galbkeed sida qaramadda Yurub iyo Mareykanka.

Kadib wada hadalo muddo qaatay oo ay hogaamineysay Wasaaradda Xiriirka Caalamka, qaar kamid ah dalalka Yurub ayaa albaabada u furay qayb ahaan Baasaboorka qaranka leh xeebta ugu dheer Afrika.

Balse ictiraafkooda ayaa ku kooban Baasaboorka diblumaasiga ah oo ay inta badan ku safraan mas'uuliyiinta dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Dalalkan oo ay kamid yihiin; Sweden, Spain, Germany, Portugal, Ingiriiska iyo Mareykanka oo Ameerika ah ayaa waxay sheegeen in ay qaybta kale oo ah guud ahaan Baasaboorka ay go’aan ka gaarayn.

"Kadib wada hadalo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda hogaamineysay waxaan ku guuleysanay in dalalka qaar ay dib u aqbalaan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku safraan oo ay ku ganacsadan; qaar kelana waxay dib u aqbalaan dukumiintiyadda rasmiga ah ee mas’uuliyadda dowladda federaalka waxayna sheegeen in ay qaybta harsan iska soo dhameystiri doonan," ayuu yiri Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyada ee Soomaaliya, Maxamed Aadan Koofi.

Sidda ku xusan mareega Passportindex, Baasaboorka Soomaaliya oo kuwa ugu wanaagsan caalamka kaga jiraa kaalinta 89aad ayaa si rasmi ah dal-ku-gal (viso) la’aan loogu geli karaa kaliya 9 dal.

"Dedaalkeena wax badan ayaa kasoo baxay oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay maanta ka faa'ideysteen," ayuu hadalkiisa ku daray Agaasime Maxamed oo u waramay Laanta Af Soomaaliga ah ee VOA-da.

Sikastaba ha ahaatee, hoos u dhaca ku yimid sumcadda Baasaboorka Soomaaliya ee keentay in ay aqoonsiga kala laabtan dalal dhowr ah ayaa la rumeysan yahay in ay sabab u tahay colaadaha iyo musuq-maasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM