Wasiir ka tirsan xukuumada Khayre oo la dhigay safiirka Sacuudiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay, Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo danjiraha dalka u qaabilsan Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa "markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Cabdixakiim Xasan Ashkir u leeyahay gudashada waajibaadka danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan".

Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Talaabadan ayaa imaaneysa xili madaxweynaha la filayo in uu u socdaalo dalkaasi Carbeed, halkaasoo uu uga qeybgali doono shir degdeg ah oo wadamada Carabta ka yeelanayaan xaalada gobolka.

Shirkaasi waxaa sidoo kale lagu casuumay Qadar taasoo ay xayiraadyo dhulka iyo badda ah ay kusoo rogeen xulufada Sacuudiga oo ku eedeeyay in ay taageerto argagixisada, wallow ay beenisay.

Xukuumada Muqdisho oo sheegtay in xiisadaasi ay dhex-dhaxaad ka tahay ayaa lagu eedeeyay in ay la safatay Dooxa, oo saameyn ku leh dowladda hadda ka arimisa dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa bishii hore ka sheegay Dooxa in aysan dowladiisa ku biiri doonin "xulufo kasta oo ka dhan ah Qadar iyo Turkiga".

Magacaabista safiirka cusub ayaa kusoo beegmaysa xili todobaadkii hore ay golaha wasiirada Soomaaliya meel-mariyeen magacaabista shan danjire, wallow uusan ku jirin Cabdixakiim.

Mr Cabdixakiim ayaa waqti xaadirkaan wuxuu yahay Wasiiru Dowlaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumadda Federaalka ah ee uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM