"Dayac" caafimaad oo ka jira Villa Somalia oo digniin laga soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya lagama helayo adeeg caafimaad oo deg-deg ah, mana shaqeynayo Isbitaalkii ku yiilay, sidda uu daaha ka rogay mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka ah.

Cilmi Maxamed Nuur oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in dayacaan uu soo ifbaxay markii intii ay socotay munaasabadii xuska 26-ka June uu isaga ku dhaawacmay xabad habow ah loona waayey gargaar.

Mudanaha ayaa kamid noqonaya tobanaan muwaadin kale oo habeenkaas rasaasta wiifto ah oo aan la aqoon meesha laga soo riday ay guriyahooda ama meelaha ay joogeen ku haleeshay lana dhigay Isbitaal.

Xildhibaanka oo ka dhawaajiyey in uu dhiig baxay markii ay xabada ku haleeshay gudaha Villa Soomaaliya ayaa tibaaxay in markii dambe loo qaaday Isbitaalka Yerdimili, halkaasoo lagula tacaalay xaaladiisa.

Xabadda oo ahayd nooca AK47 ayaa kaga dhacday gacanta midig, gaar ahaan calaan-casha. Dhakhaatiirta Isbitaalka gaarka loo leeyahay waxay ku guuleysteen in ay kasoo saaraan.

"Waxaa runtii xusid mudan in meel munaasab ah oo sidaas u weyn oo intaas oo badan ahi isugu imaanayaan munaasabad noocaas ahi lagu qabanayo in aysan jirin wax [gurmad deg-deg ah] oo qofka loola gaari karo hadii uu xanuun ku dhaco ama wax kale ku dhaco," ayuu u sheegay Dalsan Tv.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Berigii hore waxaan ku ogaa in uu clinic jiri jiray, laakiin habeenkaa waxaa la xaqiijiyey in aanu shaqeynayn, waxyaaloo dawooyin ahna aysan jirin, dhakhtar deg-deg loo helayaana aysan jiri, ambalance meelahaas ka dhow oo lagu qaadana aysan jirin, arrintaasna waxay keentay in [dayac] weyn uu ka jiro xagga caafimaadka marka la eego".

"Runtii walwal weyn bay iigu keentay in xaruntaas oo goleyaasha dowladda oo madax badan isugu imaanayaan aysan lahayn xarun caafimaad oo deg-deg ah," ayuu kusoo gabagabeeyay Dr Cilmi Maxamed Nuur.

Madaxtooyadda kama jawaabin codsiyo kala duwan oo ku saabsan in ay ka warbixiyaan dhacdadaan ama dayaca la sheegay. Balse, waxay imaaneysaa xilli dowladda hadda jirta ku faanto dhismaha xarumo kale.

Villa Soomaaliya waa meesha looga arimiyo ama ay kasoo baxdo talada waddanka, waxaana ay hoy u tahay madaxda ugu sareysa ee dalka, iyaddoo xaqiiqadan haatan soo ifbaxday ay toosha ku ifineyso halis u baahan xal u helid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM