Deegaanka Daarusalaam ee Muqdisho oo si Qurux badan ee loogu ciiday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kumanaan ka mida shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa ku ciiday xaafadda Daarusalaam, oo ka mida xaafadaha ugu bilicda wanaagsan ee Caasimadda Muqdisho.

Dadweyne fara-badan ayaa Salaadda Ciidda ku oogay Masaajidka weyn ee deegaanka Daarusalaam, ka dib markii ay qaarkood isaga kala yimaadeen Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dadweynaha reer Muqdisho oo markii dambe isugu tagay Beerta Daarusalaam ayaa isugu hambalyeynayay munaasabadda maalinta 1aad ee Ciidul Adxaa, oo maanta si isu mida looga wada ciidaayo geyiga Soomaalida.

Maamulka xaafadda Daarusalaam ayaa dhawaan qalab cusub ku soo kordhiyay goobta ay carruurta ku cayaaraan, sidoo kalana waxaa la keenay ugaar kala duwan, oo loogu talagalay inay dadka u soo daawasho taggaan.

Maanta oo kale waalidiinta ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa ubadkooda u damaashaad geeya xaafadda Daarusalaam, si ay u dareemaan farxadda Ciidda.

Ciidda Carafo ayaa ah Ciidda labaad ee Islaamka uu leeyahay, marka laga soo taggo Ciidul Fitriga, waxayna umadda Soomaaliyeed isu rajeeyeen in sanadkan midka xigga uu Alle ku gaarsiiyo cimri, caafimaad, nabad iyo caano.

Deegaanka Daarusaam waxaa maalgaliyay Salaam Somali Bank isla markaana waxaa dhisay Shirkadda Dhismaha Buruuj.

Ciidaan Carafo ayaa ka duwan Ciidul Fitrigii hore, marka aad eegto inaanay ciidaan wax saamayn ahi ku yeelan awaamiirtii horaan lagu xakameynayay COVID-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM