Khayre oo Wasiirro cusub magacaabey [Akhri magacyadooda]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa magacaabey saddex wasiir cusub, kuwaasoo buuxinaya boosas ka banaanaa Xukuumadiisa.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay magacaabida Wasiiradda oo kala ah:

1 Wasiirka Dastuurka, Saalax Axmed Jaamac

2 Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiiq Warfaa

3 Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Fowsiya Maxamed Sheekh.

Saalax Jaamac oo kamid ah Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka ayaa loo dhiibey xilkii uu ka geeriyoodey C/raxmaan Xoosh Jibriil, halka Fowsiya Maxamed Sheekh ay buuxinayso booskii uu iska casilay Lafte Gareen, Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Sadiiq Warfaa oo isna Xildhibaan ah, ayaa loo magacaabey Wasaaraddii laga wareejiyay Saalax Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM

War Cusub oo Ka Soo Baxaya Beled Xaawo: Cabdirashiid Janan oo go'doon ku jira

Isgaarsiinta magaalada ayaa aad u liidata, taasoo adkaynaysa in la helo xog rasmi ah oo la xiriirta khasaaraha dhabta ah.

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 12:53PM