DEG DEG: Qarax Goordhow ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Qarax culus ayaa goordhaw ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho, ee caasimadda dalka Somalia.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamida ah magaaladda ayaa waxa uu ka dhacay iridda Premier bank oo ku yaalla Isgoyska Taleex, halkaasi oo ciidamada booliska Somalia ku leeyihiin bar-koontarool oo lagu baaro gaadiidka.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo qaraxa uu sababay, marka laga tago inay gubteen dhowr gaari oo horyaallay Bangiga.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray Gaari nooca Qooqanta ama Hilux iyadoo uu u muuqday in lala damacsanaa in lagu khaarijiyo qofkii watey, oo aanan weli la ogeyn waxa uu yahay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Somalia oo ku saabsan qaraxa, oo kusoo beegmaya xilli magaalada ay kusoo kordhayaan qaraxyada dadka baabuurta loogu xiro.

Al-Shabaab oo laga saarey Muqdisho 2011 ayaa weeraro iyo dilal qorsheysan oo joogto noqday ka fulinaysa magaaladda, iyadoo beegsata Askarta, Xildhibaanada, Saraakiisha hay'adaha dowladda iyo dadka kale ee bulshada ka dhex muuqda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM