Deni oo guddoomiye KMG ah u magacaabay Boosaaso

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne tirsigiisu yahay Lr. 11 wuxuu ku kala diray Golaha Deegaanka Degmadda Boosaaso.

Sidoo kale, Deni, ayaa Xeer Madaxweyne oo tirsigiisu yahay Lr.12 wuxuu ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Boosaaso.

Waxaa Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero dile) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, halka Axmed Nuur Huruuse si ku meel gaar ah loogu magacaabay ku xigeenka.

Bishan Maarso 9-keeda sanadkan 2021 ayay ahayd markii madaxwayne Deni uu shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyihii hore ee degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Isla wareegta shaqo joojinta, Deni ayaa lagu faray Hanti dhawrka Guud ee dowladda Puntland ee Soomaaliya "in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta".

Talaabadaas ayaa ka dambeysay markii maleyshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay habeenimadii Jimcada asbuucii hore ay weerar qaraxyo ku bilowdey ku qaadeen saldhiga weyn ee Boosaaso.

Inkasta oo qaarkood dib loogu soo xiray howlgal ay sameeyeen ciidanka amniga, weerarkaas waxay Al-Shabaab ku sii deysay maxaabiis ay ku sheegtay 400 kuwaas oo noocyo kala duwan ahaa.

Deni oo ka hadlay weerarkaas ayaa balanqaadey talaabo ka dhan ah cid kasta oo ku lug-lahayd falkaas iyo mas'uuliyiintii sameeyay dayacaadda dhanka amaanka ee weerarka dhabaha u xaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM