Deni oo Muqdisho kula kulmay Xasan Sheekh iyo siyaasiyiin kale

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxda Xisbiyada Qaran, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Shiikh Aaden iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wafdiga Deni ayaa ka koobnaa Wasiiro, Xildhibaano, La taliyeyaal iyo Saraakiil Madaxtooyo, sidda lagu sheegay war qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyadda Puntland.

Warka qoraalka ah ee Puntland State House ayaanan lagu fahfaahin qodobada diiradda lagu saarey wada-xaajoodyaddan. Hase ahaateen, kulamadan xaaladan oo kale waxay daaran yihiin doorashooyinka.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa la isku raacay in aysan dhici karin, taas bedelkeedana loo baahan yahay in laga gaaro heshiis siyaasadeed.

Deni ayaa shalay markii ugu horeysay tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Puntland lagu soo dhaweeyay Muqdisho, waxaana uu u yimid wadahadaladda arrimaha hor-tabinta u leh dowladnimada iyo dalka.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa wehliya. Labadooda waxay si wadajir ah caawa ula shiri doonan madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed C/laahi Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM