Siciid Deni oo shaaciyey xudunta khilaafka Puntland iyo DF

Image

GAROWE, Puntland – Ma jiro khilaaf rasmi ah oo ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, balse wuxuu maamulku diidan yahay barnaamijka siyaasiga ah ee maamulka waqtiga ka dhamaadey ee Farmaajo, sidda uu sheegay madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Isaga oo u waramaya telefishinka maxaliga ah ee Universal Somali Tv, Deni ayaa daaha ka rogay in Puntland ay wadashaqeyn wanaagsan la leedahay hay’adaha kale ee federaalka, balse aysan indhaha ka laaban karin ku xadgudubka waxyaabaha aas-aasiga ah dowladnimada.

"Horta waa in la fahmo dowladda federaalka iyo Puntland isma hayaan. Puntland waa qeyb kamid ah dowladda federaalka. Laakiin hadafka uu la yimid Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxwaynaheena weye waxa ay Puntland [kasoo horjeedo] waxaa la rabaa in si sax ah loo sharaxo. Puntland wadashaqeynta ay la leedahay hay'addaha kale sidda wasaaradaha wax dhib ah kama jiraan," ayuu ku yiri isaga oo fahfaahinaya xudunta muranka.

Wuxuu intaas ku daray: "Laakiin barnaamijka siyaasiga ah ee dowladdan [Farmaajo] u diyaarisay in ay dalka ku hagto weye waxa ay Puntland diidan tahay waxaasna waa waxa dadka Soomaaliyeed inta aan codka lahaynna ay diidan yihiin. Laakiin annagu aan daruuf ka duwan daruufaha kale aan ku jirn ay waajib nagu tahay in aan niraahno waxaa sharciga ma ogola".

Sidda laga soo xigtay Deni, dowladda dhacdey ee Farmaajo waxay si toos ah uga soo horjeedaa nidaamka federaalka ee Soomaali heshiisay, waxaana ay si sharci darro ah ku meelmarisay shuruuc iyadda oo bilowday in dastuurka ku qabyo-tirka hab aan waafaqsaneyn Axdiga lagu heshiiyey.

"Maadaama ay ku dhisan tahay nidaamka federaalka, Puntland iyo madaxda maamulada kale waxaa mas'uuliyad ka saaran yahay ilaalinta waxay Soomaali ku heshiisay. Hadii HirShabelle ama Gedo macnaheedu ma ahan in aysan na khuseyn oo aan ka hadleyn," ayuu hoosta ka xariiqay.

Shaqo joojinta DP World

Shirkadan laga leeyahay Imaaraadka ayaa qandaraas waxay ku qaadatay in ay horumarineyso dekadda magaaladda Boosaaso. Balse, sanado badan oo laga joogay saxiixa, wali ma dhaqan-gelin, sidda uu qiray Deni, oo intaas ku daray in ay jiraan laba caqabadood oo sabab u ah.

Dilka maareeyihii shirkadda ee marsadda iyo dayaacado laga faafiyey shirkadda ayuu ku tilmaamay caqabadaha, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in shaqadda dib ugu bilaaban doonto dhowaan.

"Tan iyo markii maamulaha la dilay waxay ku shaqeyn jireen Abu Dubai oo dhaqaalaha lagu heshiiyey ee ka soo xarooda dekedda, iyagaa maamuli jiray, laakiin seddaxdii bilood ee u dambeysay waxaan ka joojinay inay maamulaan, si wadahadalkii aan dib ugu bilaawno, si ay shaqada ugu qabtaan sidii loogu heshiiyey ama nagu soo wareejiyaan," ayuu xusay.

Deni ayaa sheegay in kahor dhacdadaas ay dowladda Puntland iyo dadkuba dareemeen koror ku yimid dakhliga dekadda, balse wixii ka dambeeyay uu gaabiska ka jiray dhanka maamulka shirkadda.

"Muddo hadda saddex iyo laba bilood ah aan hakad ka gelinay in ay ayaga maamulaan [dakhaliga dekadda kasoo xarooda oo aan kastamka ahayn] si wadahadaladda aan dib ugu bilowno; ama ay noqoto in ay shaqadda qabtaan ama shaqadii nagu soo wareejiyaan," ayuu yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Safaarad $6 million ku kacaysa u dhisayo Soomaaliya

Taa baddalkeeda, Soomaaliya waxay heleysaa 4,918 sqm oo dhul ah oo ku yaal goobta diblomaasiyadda Incek ee Ankara.

  • Soomaliya

    21-05-2024

  • 05:55PM

Soomaaliya oo raadineysa iskaashi dhanka amniga ah oo la yeelato Ruushka

Sida uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka labaad, Soomaaliya waxay si dhow ula shaqeyn doontaa saaxiibada horumarinta si loo riixo amniga iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    21-05-2024

  • 01:59PM