DF oo baareysa kiis la xiriira Covid-19 oo Imaaraadka Carabta naqdiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shaqsi watay shahaado sheegeysa in uu soo ritay safmarka Coronavirus ayaa 15-kii bishaan Julaayo sanadkan 2020 wuxuu u socdaay Imaaraadka, sidda ay maanta ku warantay VOA Soomaali.

Sidda ku xusan warbixinta, xukuumadda Dubai oo 16-kii July baaritaan marisay ruuxaas markii uu gudaha wadankeeda galay ayaa ka weysay wax astaamo ah oo muujinaya in uu la nool-yahay fayruska faafa ee Corona.

Muwaadinkaas oo sabab la xiriirta sumcadiisa loo qariyey magaciisa kana dhoofay Soomaaliya ayaa tan iyo waqtigaas wuxuu banaanka ka joogaa xaalada karantiilka.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca waxay ka qaadey in ay baareyso qaabka ay ku dhacday in positive loo qoro ruuxaas, iyo sidoo kale sidda ay ugu suurtagashay in uu meel ka baxsan dalka uu u safro.

Bishaan July 16-keeda ayay ahayd markii wasaaradda caafimaadka ay soo saartay warqad ay ku sheegeyso in Sheybaarka Qaranka ee yaala Muqdisho uu kaliya bixin karo shahaadada safarka ee la xiriirta baarista Covid-19.

Dhowr illo wareed ayaa xaqiijiyey in talaabadaas ay la xiriirtay kiiskaan. Balse, mas'uuliyiinta waxay ka gaabsadeen in ay kala caddeeyaan meesha uu qofkaan ka safray caasimadda Muqdisho ama magaalooyinka kale.

Xaaladaha Coronavirus ee Soomaaliya ayaa maraya 3,119, halka geeridana ay wali ku taagan tahay 93, bogsashadana waxay sii cagacageyneysaa 1457. Tiradan waa inta ay wasaaraddu xaqiijisay 24-kii saac ee u dambeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xog ku saabsan Kulankii Xasan Sheekh iyo Mucaaradka ku yeesheen Villa Somalia

Iyadoo waqtigu si xawli ah ugu socdo doorashada 2026, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay wajahayaan caqabado culus.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:32AM

Janan: Eedeysanaha Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha Oo DF U Magacowday Madaxa NISA ee Gedo

Dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin cabashooyinka ka dhashay magacaabista Abdirashiid Janan.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 06:55AM