DF oo bandow habeenkii ah ku soo rogtay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed [Xajaar], ayaa caawa shaaciyay in si dadka looga badbaadiyo qatarta COVID-19, dowladda Federaalka Soomaaliya ay go’aamisay laga bilaabo fiidnimada Arbacada ah, April 15, 2020 in magaaladda Muqdisho lagu soo rogay bandow ka bilaabanaya 8:00 Fiidnimo, kuna eg 05:00 Subaxnimo.

Mr Xijaar waxuu sidoo kale sheegay in Bandowgu uu saameynayo isu-socodka dadka iyo gaadiidka, ganacsiga, marka laga reebo dukaamada cunnada qalalan laga iibsado iyo xarumaha caafimaadka sida farmashiyayaasha iyo isbitaallada.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in qiimeynta joogtada ah ee lagu sameynayo xaaladda faafitaanka cudurka COVID-19, lagu go’aamin doono wax ka bedelka bandawga.

Dadweynaha magaalada madaxda ayuu ka ka codsanay in ay bandowga u hoggaansamaan, si dadka looga badbaadiyo cudurkan khatarta badan.

Ugu dambeyn, taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada amniga la faray inay dadka xanuunsanaya ee xaaladaha deg-degga ah lasoo gudboonaadaan ay u fududeeyaan gaaritaanka goobaha caafimaadka si ay u helaan daryeelka ay u baahanyihiin,

"Hoggaanka Dowladda Soomaaliya ayaa dadaalkooda isugu geynaya sidii hannaanka ugu habboon ee ugu saameynta yar ay ugu xakameyn lahaayeen faafitaanka Cudurka COVID-19 ee ka dhasha Virus-ka Karoona".

Talaabada bandowga lagu soo rogay caasimadda ayaa kusoo aadeysa xili maalmihii lasoo dhaafay ay fashilmeen isku dayo la doonayey in lagu xiro Masaajida, talaabadaas oo ay ka goos-adeegeen culimada isla markaana sababtay in guddi gaar ah loo saaro si ay cilmi baaris ugu soo sameeyeen kahor inta aan si rasmi ah loo dhaqan-gelin xiritaanka Masaajida iyo Dugsiyada Qur'anka.

MUUQAALKA XIJAAR

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM