DF oo dayacday caruurta Jenaraalo ay qarax ku dishay Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Somalia - Labo bilood kahor ayay ahayd markii Ururka Al-Shabaab qarax Miino oo uu ku aasay wadada xeebta ee degaanka Dhanaane, gobolka Shabeellaha Hoose, uu ku dilay Taliyihii iyo Abaanduulihii guutada 12-ka April.

Alle ha unaxariistee Cumar Aadan Dhabar [Cumar Dheere], taliyihii qaybta 12-ka April iyo Cabdi Cali Jamaame, Abaanduulihii qaybtaasi, ayaa aas Qaran oo uu ka qaybgalay Madaxwaynaha loogu sameeyay Muqdisho.

Farmaajo, madaxwaynaha dalka, iyo taliyaha ciidamada difaaca qaranka, Daahir Indha-qarshe, oo madasha ka hadlay xiligaasi waxay balanqaadeen in loo aar-gudayo, ayna dowlada ka faala qaadeyso caruurtooda.

Hasa yeeshee, Markabo Warsame Samatar, oo ah carmaladii uu ka geeryooday Jenaraal Cumar Dheere ayaa sheegaysa inay ku hungoobeen arrintaasi, iyada oo tibaaxday inaanu waxba ka fulin balanqaadkaasi.

"Madaxwaynuhu aad buu ugu mahadsan yahay si fiican buu noola aasey, laakiinse balanqaadii uu noo sameeyay waxba kama fulin," ayay tiri, iyada oo raacisay "Xitaa mushaarkii ma aanan helin".

Dowlada ayaa dhaqan-gelinta balanqaadka Madaxwaynaha iyo Taliyaha u xil-saartay Guddi, kuwaasi oo albaabada ka xirtay qoysaska, sida ay mar kale daaha ka rogtay Hooyo Markabo, oo dalab u gudbisay madaxda.

"Dad baa arrinteena loo xil-saarey oo nagu yiri 'sawirada caruurta keena'…laakiin markii aan wacnay telafoonada nagama qabanayaan..madaxda waxaanu ka cod-saneynaa inay naga war-qabaan," ayay raacisay.

Tani ayaa kusoo aadeysa iyada oo mar kale Shabaab ay isla degaanka Dhanaane shalay ay ku khaarijisay labo Korneyl oo kala ahaa; Col Cabdi Salaan Sheekh Aadan, Abaanduulaha guutada 12-ka April iyo Col Cabdiraxmaan Jimcaale Muuse, madaxa lacagta guutada 1aad.

Marxuum Aadan oo ifka kaga tegay caruur ka badan 10 ayaa 26-ka bishii December loo magacaabay inuu bedalo Cabdi Cali Jamaame, kaasi oo ku baxay gacanta xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Su’aalaha ay dadka inta badan is-waydiinayaa ayaa waxaa kamid ah; sababta dowladdu u fulin waysay balanqaadkii ay u horey u sameysay iyo hadii saraakiishaan dhowaan la dilay damaanad qaadi karto caruurtooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM