DF oo fariin u dirtay Soomaalida ku nool dalal uu aafeeyay Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tirada Soomaalida dalalka caalamka ugu dhimaneysa xanuunka Covid-19 ayaa aad u sareysa, sababta waxaa lagu macneeyay in aysan dheg-jalaq u siin talooyinka caafimaad.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ayaa jaaliyadaha Soomaalida ee wadamada uu aafeeyay cudurka ayaa ku boorisay in ay u hogaan-samaan amarada si ay u badbaadaan.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa waxay rajo fiican ka muujisay in qurbajoogta ay isbedel la imaan doonan.

"Afka dowladda anigoo ku hadlaayo siiba wasiirka caafimaadka oo aan ahay waxaan u sheegayaa bulsho kasta meesha oo ay ku dhaqan tahay oo ay joogto in ay u hogaan-samaan fariimaha caafimaad ee loo dirayo, wacyi-gelinta loo sameynaayo, in aan leyska indhatirin [talooyinka]," ayay ku sheegtay wareysi ay siisay telefishinka Qaranka.

Waxay intaas raacisay: "Cudurkan waa mid safmareyn ah marka uu xaafad gaarana halmar dadka wada dhigaayo".

Intii lagu guda jiray wareysiga, Fowziya ayaa ku waanisay Soomaalida aan aqoon luuqada wadamada ay joogaan in ay baadigoobaan dad kale oo u turjuma si ay ugu yaraan u ilaaliyaan badqabkooda.

Ingiriiska iyo Sweden ayaa lagu waramay in ay ku dhinteen Soomaalidii ugu badneyd, iyaddoo Arbacadii lasoo wariyey in uu caasimadda Masar ee Khaahira ku dhintay muwaadin ka yimid waddanka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM