DF oo halista dadka kasoo gaarta Covid-19 ka doorbiday olole doorasho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u muuqanaya kuwa halis dadweynaha kasoo gaarta safmareenka Coronavirus ka doorbiday olole siyaasadeed oo ku aadan doorashooyinka.

Hogaanka Villa Soomaaliya oo ololaha wadda tan iyo bilowgii todobaadka xorriyadda 26 June illaa iyo 1-da Julaayo ayaa goobaha ay dadka la isugu keenayaan waxaa ka muuqata mas’uuliyad daro caafimaad.

Tani oo khatar ku ah badqabka shacabka ayaa sababi karta in xanuunka uu faafo maadaama ka qeybgalayaasha badankooda aysan u hogaan-samin talaabooyinka looga hortago fayruskaan kasoo bilowday dalka Shiinaha.

Qaababka dunida isku raacday in looga hortago xanuunka waxaa kamid ah; isu imaatinka oo la yareeyo, gacma-dhaqashada iyo af-xirka.

Xukuumadda oo iyadda jabineyso mid kamid ah habraacyada ka hortagga oo ah isu imaatinada oo la joojiyo tusaale ahaan shirarka ayaa dib u furtay duulimaadyadda gudaha oo ah qaab kale oo cudurka ku faafo.

Xayiraadda ay kusoo rogtay duulimaadyadda ayaa ah ololaha siyaasadeed ee lagu cunaqabateynayo maamulada Soomaaliya ee ka biyo diiday xeeraraka sahlaya muddo kororsiga ay doonayaan madaxda Villa Soomaaliya.

Mid kamid ah munaasabadihii ugu dambeeyay ee xukuumadda soo abaabusha oo ay ka qeybgaleen; ra'iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiiro waxaa loogu mahadcelinayey dhalinyaradii ka qeyb-qaadatay dhismaha iyo dayactirka garoonka kubadda cata Muqdisho oo dhowaan dib loo furay.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiisaska Covid-19 ee guud ahaan waddanka ay marayaan 2,961, bogsashadana ay sii cagacageyneyso 973, geeriduna ay illaa iyo haatan mareyso 92.

GAROWE ONLINE

Related Articles

QM: Al-Shabaab loogama adkaan karo dagaal keliya, DFS wadahadal hala gasho

Saul ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay diyaar u yihiin in laga wada hadlo mustaqbalka dalka.

  • Soomaliya

    27-05-2025

  • 06:01PM

Kheyre: Xasan Sheekh waa inuu joojiyaa doorashadda macmalka ah ee uu ku riyoonayo

Hadalkan ayaa imaanaya xilli muran iyo dhaliilo xooggan ay ka taagan yihiin hannaan doorasho oo dowladda Federaalka ay wado.

  • Soomaliya

    27-05-2025

  • 04:53PM