DF oo ka jawaabtay hadal ay Kenya kasoo saartey qabashada Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay hadal dhowaan kasoo yeeray Kenya oo ku saabsan soo qabashadda wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur [Janan].

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka, ayaa xusay in DF ay dalab lagu soo xirayo u gudbisay Dowladda Kenya.

Kenya ayaa sheegtay in aysan helin codsi rasmi ah oo kaga yimid Soomaaliya oo ah soo gacan-gelinta Wasiirka Amniga Jubaland, kaasoo ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho.

Wasiir Cawad oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa tilmaamay in ay dalab kale u gudbiyeen Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL, kaasoo ay xubin ka tahay Kenya.

"Dowladda Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu gudbisay Interpol, oo Kenya iyo dal kasta oo UN-ta kamid ah ay xubin ka yihiin ama badankooduba, in ninkaasi [wasiir Janan] uu yahay nin sharciga kasoo baxsaday, sidaas daraadeedna ay tahay in Soomaaliya loosoo celiyo si loogu qaado wixii dambi ah ee loo haysto. Marka taasi waa ogeysiis rasmi ah," ayuu yiri Cawad.

Qadiyada Janan ayaa u muuqaneysa mid qeyb ka noqotay arrimaha sii murjiyey cilaaqaadka Muqdisho iyo Nairobi, kaasoo meeshii ugu adkaa gaarey, kadib markii labada dowladood midba midka kale ku eedeysay faragelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM