DF oo ka jawaabtay warar laga faafiyey geerida Covid19 ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah waxay ka bixisay wararka sheegaya in magaaladda Muqdisho ay dad badan ugu geeriyoodeen fayruska safmareenka ah ee Corona.

Wasiirka Caafimaadka, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa kaga hadashay arrintaas shir jaraa'id oo ay ku qabatay Muqdisho, maanta oo Isniin ah.

"Magaaladda waa la yiraahdaa dad badanaa u dhintay, laakiin waa kiisas laga shakisan yahay; illaa iyo uu laab ka xaqiijiyo ma dhihi kartid waa qaabaa qofka, sidaas ayaanna lagu soocaa," ayay Fowziya tiri.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish] ayaa horey uga dhawaajiyey in caabuqa ay u dhinteen dad badan oo uu yaqaano, kuwa kelana la ildaran yihiin.

Inta illaa iyo haatan la xaqiijiyey, tiradda dhimashada Covid-19 ee Soomaaliya waa todoba, sidda ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka, oo tiradda kiisaska ku tilmaamay in ay dhan tahay 165 xaaladood.

Dhanka kale, wasaarada caafimaadka ayaa ku boorisay Isbitaalada in ay qaabilaan bukaanada qaba xanuunada kale xili warar ay sheegayaan in qaarkood ay shaqo joojin u sameeyeen cabsida Covid-19.

Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jamaaludiin, agaasimaha nidaamka caafimaadka wasaaradda, ayaa fariintaas u diray Isbitaalada.

"Waxaan aad u jeclaan lahaa in aan fursadaan uga faa'ideysto Isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka dalka oo dhan waxay u furan yihiin in ay dadka u adeegaan qof kasta oo xanuun qaba una baahan adeeg waxaa waajib ku ah in ay u adeegaan ma ahan qof walba oo xanuuna kale qabo in dadka albaabada ay ka xirtaan u diraan Isbitaalka Martiini [xarunta karantiilka] waxaa nasoo maray xaalado aad u xanuun badan oo dadka iyagoo koomo ku jira oo xanuuno kale qaba ama si kale u ildaran Isbitaalka loosoo diro oo halkaas mashaakil badan oo caafimaad ay kula kulmaan," ayuu u sheegay wariyeyaasha.

Jamaaludiin ayaa ku daray: "Sidaas darteeda, waxaan dhiiragelineynaa Isbitaalada in ay furnaadaan, bulshadda u adeegaan qofka ay xanuunka Covid-19 kaga shakiyaanna ay maraan habraaca loogu talagalay ee WHO ay dejisay".

Magaalada Muqdisho ayaa laga soo wariyey kiisaska ugu badan ee caabuqaas illaa iyo haatan, waxaana wasaaradda caafimaadka ay saadaalisay in ay intaas kasii badan karaan, iyaddoo dadweynaha ku boorisay taxadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM