DF oo ka jawaabtay wararka sheegaya in ay ciidamo u dirtay Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka markii ugu horeysay waxay hadashay wararka sheegaya in ay ciidamo u dirtay Eritrea.

Qaar kamid ah saxaafadda maxaliga ah ayaa warisay in xukuumadda talada haysa ay askar u dirtay Eritrea si ay tababar ugu soo qaataan.

Xasan Cali Maxamed [Amar-dambe], wasiirka difaaca Soomaaliya, ayaa Isniinta maanta ah gaashaanka ku dhuftay warbixinadaas.

Hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay fadhiga Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah, halkaasoo su'aallo lagu waydiiyey.

"Eritrea annaga ciidan uma aanan dirin, koley ma garan karo su'aashaan meel aan wax ka qabto," ayuu kaga fal-celisay su'aashaasi oo uu hor-dhigay Xildhibaan.

Dhinaca kale, wasiir Amar-dambe ayaa meesha ka saarey in Xoogaga Wadaniyiinta ay ka tirsan yihiin Ciidamadda Qalabka Sidda.

"Xoogaga Wadaniyiinta waxaan filayaa Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed kuma aqaano, wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigaan ahay meel ay ku qoran yihiin ama aan ku xukumo ama aan kaga hadli karo ma jirto," ayuu yiri.

Xoogaga Wadaniyiinta oo la aas-aasey markii uu Farmaajo xafiiska yimid ayaa lagu sheegay "dad abaabulan, oo taageera xukuumadda lana hubeeyay bilooyinkii dambe".

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM