DF oo karan-tiileysa dadka ka yimaada dalalka laga helay Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wallow uusan muuqan diyaar-garow buuran, Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay karan-tiili doonto shaqsiyaadka ka imaanaya wadamada ee laga helay Coronavirus.

Cabdullaahi Xaamud, wasiiru dowlaha xafiiska ra'iisul wasaaraha, ayaa siddaas u sheegay Telefishinka BBC-da laantiisa afka Soomaaliga.

Intii lagu guda jiray wareysiga oo koobnaa, Mr Xaamud ayaa si cad wuxuu u tilmaamay in dalka uu "u nuqul yahay" caabuqa dilaaga ah.

"Waxaan ALLE ka baryeenaa in uusan dalkeena soo gaarsiin cudurka oo laga xaqiijiyey in ka badan 60 dal," ayuu raaciyey, isaggoo caddeeyay in uusan jirin go'aan mamnuucis ah.

Hadalka wasiiru dowlaha ayaa kusoo aadaya xili todobaadkii hore uu ka dhawaajiyey in la hirgelin doono xarumaha karan-tiilka oo qofka lagu hayn doono muddo maalmo ah.

Cabsida ay Soomaaliya ka qabto in uu soo gaaro cudurka ayaa korodhay markii xanuunka laga xaqiijiyey Iran iyo Talyaaniga, oo xiriir ganacsi iyo mid bulsho si joogta ah ula eh waddanka.

Iiraan waa dalka labaad ee geerida ugu badan uu ka sababay Coronavirus, halka kaalinta koowaad uu ku jiro Shiinaha oo ah xudunta cudurka.

Xukuumadda ayaa mar sii horeysay tibaaxday in ay adkeysay baaritaanka meelaha walaaca ugu badan uu ka jiro oo ah garoomada diyaaradaha, xuduudaha dhulka iyo badda.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa deeq-bixiyeyaasha caalamka waydiisatay todoba milyan oo Doolarka Mareykanka ah si ay wax kaga qabato khatarta Coronavirus ee kusoo wajahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM