DF Soomaaliya oo Al-Shabaab "dib ugu beereysa" dhulalkii laga saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, madaxweynaha Galmudug garabka Ahlu Sunna, ayaa shaaca ka qaadey in dowladdu "dib ugu beereyso Al-Shabaab dhulalkii laga saarey".

Hadalkaan ayaa imaanaya iyaddoo maalmihii lasoo dhaafay ay Dhuusamareeb ka dhaceen qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac, dhacdooyinkaas waxay naadir ka yihiin degaanada maamulka.

War-saxaafadeed uu Shaakir soo saarey oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayuu si cad daaha uga rogay in arrintaas ay tahay wax aysan u dulqaadan karin Ahlu Sunna Waljameeca.

Dhanka kale, maamulka Villa Soomaaliya ka dhisatay Dhuusamareeb ee uu hogaamiyo Axmed Qoor-qoor ayuu ku sheegay in lagu galayo doorashooyinka aan wali lagu heshiin ee 2020-21.

Beesha Caalamka ayuu ku waaniyey in aysan aqoonsaneyn maamulkaas. Mareykanka ayaa mar sii horeysay taageeray, wallow uu cambaareyn kala kulmay saamileyda dowlad goboleedka.

Gole ilaaliya federaalnimada iyo doorashooyinka dowlad goboleedyadda ayuu soo jeediyey in la aas-aaso inta waddanku ka noqonayo mid aad u xasiloon isla markaana degan, siyaasad ahaan.

Ugu dambeyntii, wuxuu ammaan u jeediyay dhamaan dhinacyadda ka qeyb-qaadanaya baacsiga argagixisadda Al-Shabaab, isagoo carabaabay Mareykanka, Turkiga iyo howlgalka Midowga Afrika.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM