DF oo lagu eedeeyay in ay Galmudug "ku abuureyso kooxo xagjir ah"

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ku dhawaaqdey in aysan qeyb ka ahayn "waxa" dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka waddo degaanada maamul goboleedka Galmudug.

War-saxaafadeedka laguma carabaabin talaabooyin gooni ah. Balse, warqada waxay imaaneysaa xili dhowaan ay heshiisyeen Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] iyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor].

Qoor-qoor ayaa madaxweyne loogu doortay doorasho ay garwadeen ka ahayd xukuumadda dhexe, balse waxaa diidey Xaaf oo u muuqdey mid ogolaadey, iyo Ahlu Sunna oo dhankeed kasoo horjeesatay.

Ahlu Sunna ayaa shaaciysay in ay madaxweyne u doorteen Maxamed Shaakir Cali Xasan. Hogaanka Ahlu Sunna wuxuu isaga baxay Dhuusamareeb markii looga taag-roonaadey siyaasada iyo doorashooyinka.

War-saxaafadeedka cusub oo uu ku saxiixan yahay Shaakir kaasoo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu sheegay in uusan jirin heshiis ay la galeen Villa Soomaaliya iyo maamulka Qoor-qoor.

Bayaanka ayaa ku eedeeyay Dowladda Farmaajo in ay kasoo horjeedo heshiiskii midowga Ahlu Sunna iyo Galmudug ee lagu saxiixay Jabuuti isla markaana uu kasoo shaqeeyay urur goboleedka IGAD.

Sidoo kale, warka qoraalka ah ayaa lagu xusay in dowlada federaalka ah ay "xagjirinta Al-Shabaab iyo Daacish ku abuureyso degaanada Galmudug". Ahl Sunna ayaa la tibaaxay in aysan aqbali doonin arrinkaas.

Ugu dambeyntii, beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayay ogeysiiyeen in ay "wixii mas'uuliyad xuma ah ee ka dhalata arrinkaas ay qaadeyso Dowladda Federaalka ah iyo cid kastoo ku gacan siisa".

QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM