DF oo lagu eedeeyay in ay ku fashilantay isu-keenista saamileyda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wuxuu ku eedeeyay madaxda Dowladda Soomaaliya in ay ku fashilmeen in ay dhageystaan saamileyda siyaasadeed ee Qaranka.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa hadalkaan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

"Hoggaanka Dowladda Federaalka ah wuu ku fashilmay in uu isku keeno saamilayda siyaasadeed si xal looga gaaro arrimaha amniga, doorashooyinka, iyo dhammeystirka dastuurka," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaa la gaaray xiligii la sheegi lahaa tillaabana laga qaadi lahaa xubnaha qaswadayaalka ah (spoilers) ee awoodda dowladda ku carqaladaynaya nabadda iyo dhismaha dowladnimada".

"Beesha Caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka waa in uu go’aannadiisa Soomaaliya ku aaddan fiiro uga yeesho arrimahaas," ayuu kusoo xiray wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya.

Hadalka Warsame ayaa imaanaya iyaddoo saaxiibada caalamka ay ku baaqeen in ay wadashaqeeyaan dowladda iyo maamulada si loo hirgeliyo doorashooyin lawada ogol-yahay sanadka dambe.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo uu Turkiga tababaray ku daad-gureysay gobolka Gedo, talaabadaas oo Mareykanku qeexay mid siyaasadeysan oo aanan marnaba la ogolaan karin.

Askarta ayaa la geeyay magaalooyinka Beledxaawo, Doolow iyo Luuq, halkaasoo la tilmaamay in ay ka waddaan "dhaqan xumo".

Warsame ayaa ku eedeeyay dowladda in ay dayacday ciidamadda xoogga dalka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, wuxuuna intaas ku daray in loo adeegsanayo ajande siyaasadeed oo sharci darro ah.

Hogaanka Villa Soomaaliya oo mudada xileedkooda uu kaga haray bilooyin ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ku guuldareysteen fulinta balanqaadyadii ay sameeyeen ololihii doorashadii u dambeysay ee 2017-kii.

GROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM