DF oo lagu eedeeyay in ay xilal sare u dhiibtay "shaqsiyaad dambiyo galay"
WASHINGTON, US – Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeysay in ay jagooyin sar-sare u dhiibtay shaqsiyaad "galay" dambiyo.
Dambiyadda ay ku kaceen shaqsiyaadkaas ayaa ah tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Bini'aadamka, sidda laga soo xigtay warbixinta sanadlaha ee Human Rigts Watch.
HWR ma aysan magacaabin xubnaha ay tilmaamtay in ay dambiyo galeen balse xukuumadda Muqdisho ay xasaanad siisay. Si lamid ah, ma aysan carabaabin goobaha loo xushay.
Dhanka kale, warbixinta HWR ayaa tibaaxday in sanadkii hore ay Soomaaliya ka dhaceen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida; dilka shacab iyo beegsiga warbaahinta.
Dowladda Soomaaliya, kooxaha hubeysan iyo ururka Al-Shabaab ayay sheegtay in ay mas'uul kawada yihiin dhibaatooyinkaas.
Maxkamadda ciidamada ayay tibaaxday in ay dil toogasho ku fulisay 16 ruux oo lala xiriiriyey argagixiso, "talaabadaas oo meel ka dhac ku ah nidaamka cadaalada caalamka".
Sidda ku cad warbixinta, xafiiska Qaramada Midoobay ayaa tan iyo bartamihii bishii November wuxuu diiwaan-geliyey 1,154 kiis oo ku saabsan khasaaro soo gaarey shacab.
"Inta badan dadkan waxay ku maqan yihiin weerarada qaraxyadda ee kooxda Islaamiyiinta ah ee Al-Shabaab," ayay caddeysay.
Warbixinta oo lagu soo qaatay eryidii wakiilkii UN-ka, xarigii Mukhtaar Roobow, banaanbaxayaal lagu dilay Baydhabo iyo Beledwayne ayaa ku eedeysay dowlada iyo ciidamada amniga.
Ugu dambeyntii, Human Rigts Watch ayaa sheegtay in xiriirka sii xumaanaya ee Xukuumadda Dhexe iyo Dowladaha xubinta ah federaalka Soomaaliya ay wiiqday xal u helida gabood-falada.
GAROWE ONLINE