DF oo loogu baaqay in ay joojiso falal ay kawaddo maamul goboleedyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaanka dowladda federaalka Soomaaliya waa in ay ka baaqsadaan dagaaladda siyaasadeed iyo midka ciidan oo ay kawadaan maamuladda, sidda ay ku baaqaan xisbiyadda.

Xisbiyaddaan oo ku mideysan Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa sidoo kale ugu baaqay maamulada iyo wax-garadkooda in ay u istaagaan daminta colaad beeleedyadda ka aloolsan degaanadooda.

War-saxaafadeed kasoo baxay madasha ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka ah in ay taageereyso shirar lagu hurinayo colaad isla markaana ay arrintaas ka leedahay "dano siyaasadeed oo guracan".

"Madashu waxay DF uga digtay abaabulka shirar lagu hurinayo colaad iyadoo is hor taageysa shirar bulsho oo danaha dadka iyo dalka looga tashanayay, waxaana si toos ah dowladda fedraalka loogu eedeeyey dagaalladii ka dhacay Muqdisho, Sh/Hoose, Sh/dhexe, J/Hoose, Hiiraan, Galguduud, Mudug, iyo degmooyin kamid ah Dawlad Deegaanka Soomaalida gaar ahaan degmooyinka Raaso, Sallaxaad, Doollo iyo qaybo kale oo kamid ah Dawlad Deegaanka Soomaalida," ayaa lagu yiri bayaanka oo uu arkay Garowe Online.

Warsidaha GO si madax-banaan uma xaqiijin karo eedeymaha Madasha. Balse, fursad uu madaxda dowladda dhexe u siiyey in ay ka jawaabaan kama faa'iideysan kadib dalabyo kala duwan oo loo diray.

Dowladda Farmaajo ayaa colaadisay maamulada dalka si gaar ah kuwa kaga aragtida duwan siyaasadda dalka. Degaanadda Jubbaland gaar ahaan gobolka Gedo waxay ku qabsatay awood ciidan.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in madaxda dowladda dhexe ay doonayaan in ay iyago go'aan ka gaaraan arrimaha masiiriga ah iyo awood maroor-sasho.

Talaabooyinkaas ayuu carabka ku dhuftay in ay kasoo horjeedaan dastuurka oo xeerinaya in wadatashi laga yeesho qadiyadaha saameynaya maamulada sidda doorashooyinka iyo ammaanka.

Madaxda federaalka oo gabaabsi ka yahay waqtiga isla markaana looga digay isku day kasta oo muddo kordhin ah ayaa ku fashilmay in ay fuliyaan halbeegyadii lagu aadi lahaa doorasho qof iyo cod ah, 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM