DF oo saxiixdey heshiis loogu deeqay laba milyan oo Yuuroo

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa maanta ku saxiixay Muqdisho ka "marqaati" ahaan heshiis ku saabsan qaab maamulka u dhexeeya Dowladda Talyaaniga iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP), iyadoo Talyaanigu ku deeqay labo milyan oo Euro oo taageero maaliyadeed ah Sanduuqa Qaramada Midoobey ee bah-wadaagta kala duwan (UN MPTF) ee Soomaaliya.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale dhinacooda ka saxiixay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Alberto Vecchi, Wakiilka Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP) ee Soomaaliya, Jocely Mason, iyo Agaasimaha Wakaaladda Iskaashiga Talyaaniga, Guglielmo Giordano.

Heshiiskan ayaa waxa uu ka qeyb yahay "Sanduuqa Qaramada Midoobey ee bah-wadaagta kala duwan (UN MPTF) ee Soomaaliya".

Soomaaliya iyo UN MPTF waa kuwa isla dhammaystira si is-oggol ah oo jaan-qaadid leh waxyaabaha la taabbagelinayo, iyadoo loo marayo Xarunta Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF), oo ay kala maamulayaan Bankiga Adduunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika.

Sanduuqa Qaramada Midoobey ee bah-wadaagta kala duwan (UN MPTF) ee Soomaaliya waxaa loo dejiyay inuu shaqeeyo muddo 10 sano, oo ka bilaabantay 2014, socon doontana illaa iyo December, 2024.

Saxiixa heshiiskani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, Xaamud Cali Xasan, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdiladiif Maxamuud Cali iyo mas'uuliyiin kale oo ka kala socday Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM