DF oo shuruud ku xirtay dadka dibada u aadaya baaris la xiriirta Covid19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Muwaadiniinta dibadda u qaadaya baaris la xiriirta safmarka Covid-19 waa in ay qaataan shahaado kasoo baxday sheybaarka Qaranka, sidda ay Arbacada maanta ah shaacisay Dowladda Federaalka ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka oo go'aankaas lagu caddeeyay ayaa lagu adkeeyay in shahaadada kasoo baxda sheybaarka Qaranka ay tahay tan kaliya ee la aqoonsan yahay.

"Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay cadaynaysaa in shahaadada safarka ee la xiriirta baarista COVID-19 ee dadka dhoofaya ay ka qaadan karaan oo kaliya shaybaarka qaranka ee magaalada Muqdishu kaas oo ah xarunta kaliya ee haysata aqoonsiga baarista COVID19 wadata tixraaca, sumada iyo shaambadda Shaybaarka dhexe, wixii intaas ka soo hara waxay wasaarada Caafimaadka u aqoonsantahay waxba kama jiraan sidoo kale baal marsan hanaanka baarista ee COVID19," ayay kuu tiri qoraalka.

Inkasta oo wasaaraddu aysan fahfaahin muhiimada shahaadada, haddana wararku waxay sheegayaan in ay muujineyso sooyaalka ruuxaan iyo in uu maray habraaca Soomaaliya ee ku aadan baaritaanka cudurka.

"Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay goor walba diyaar u tahay inay u fududeeyso muwadiniinta dhoofaya wax alle wixii la xiriira baarista xanuunka COVID19 iyada oo la raacayo habraacyada qaran ee baarista Xanuunka COVID19, Dadka doonaya shahaadad safarka ee Covid-19 waxay tagi karaan goobaha baaarista ee kala ah Isbitaalka De Martino iyo Banaadir," ayaa la raaciyey bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Qofkii isku daya in uu qaato mid been abuur ah ama sheybaarka Qaranka uusan soo siin, waxaa caqabad ku noqon doono qalab casri ah oo lagu diyaariyey garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.

"Wasaaraada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxa ay diyaarisay Hab online ah oo lagu hubinayo in shahaadada u muwaadinku wato ay kasoo baxday Sheybarka Qaranka kasoo lagu diyaariyay Airport Caalamiga ee Aadan Cabdule Cusmaan," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada uu sidda ba'an ugu faafay Covid-19; tirada guud ee kiisaska waxay marayaan 3,083, bogsashadana waxay cagacageyneysaa 1,425, halka dhimashadda todobaadyadii dambe ku taagneyd 93.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM