Damaanad-qaad la siisey shaqaalaha shirkada dhiseysa jidka Afgooye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Soomaaliya ayaa damaanad-qaadey amniga howlwadeenada shirkada dhismaha wadada Afgooye-Muqdisho maalmo kadib weerar culus oo Al-Shabaab ay sheegatay.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa yaboohan siiyey maamulaha ugu sareeya shirkada qandaraaska haysata oo uu xafiiskiisa ku qaabilay.

Enez, oo laga leeyahay wadanka Turkiga, ayaa ku guuleystay mashruuca dhismaha wadooyinka isku xira Muqdisho-Afgooye iyo Jowhar-Muqdisho, kaasoo ay maalgelisay Qadar.

Sabtidii, 18-ka Janaayo, 2020, ku dhowaad 20 oo lix kamid ah ay yihiin Turki isugu jirta Injineero iyo shaqaale ayaa ku dhaawacantay is-miidaamin lagula beegsaday goobta uu dayactirka ka socdo.

Maalin kadib qaraxaas, shirkada ayaa bilowday in ay qalabkeeda kasoo daad-gureyso jidka, wallow kolkii dambe la sheegay in dib loogu celiyey isla goobta.

"Taageerada shacabka iyo dowladda ayaa nagu dhiirri gelineysa in weerarada ka imaanaya argagixisadda aysan saameyn ku yeelan dhameystirka wadada," ayuu yiri maamulaha Enez, Seracettin Aksun.

Aksun oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Khayre u balanqaaday in la xoojinayo joogitaanka ciidan ee aaga dhismaha uu ka socdo.

"Annaga shirkad ahaan waxa ina quseeyo waa in aan dhameystirno mashruuca oo ku guuleysanay, waxaana rajeynaynaa in aanan ka tagin inagoo aan dhisin wadada," ayuu ku daray.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya iyaddoo dowladda ay maanta gebi ahaanba joojisay isu socodka wadada Afgooye iyo Muqdisho, talaabadaas oo ay cabasho xoogan ka muujiyeen qaar kamid ah gaadiidleyda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM