DF Soomaaliya oo bixineysa shatiyo shidaal baaris xilli uu khilaaf jiro
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay bilowday bixinta ruqsadaha shidaal baarista todoba kamid ah xirmooyinka laga helay qaybo kamid ah waddanka.
Maxamed Cabduqaadir Hilaal, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka, ayaa shaaca ka qaadey in bixinta ruqsadaha ay socon doonto illaa iyo dabayaaqadda bisha Maaj ee sanadka soo aadan ee 2021-ka.
Todoba xirmo ee wareega koowaad la bixinayo shatiyadooda ayaa ku kala yaala maamulada; Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, sidda ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan wasaaradda.
Sidda laga soo xigtay Hilaal, in ka badan 130 "maalgashato caalami ah" ayaa ka qeyb-galay daahfurka shati bixinta wareega koowaad.
Ma uusan soo bandhigin magacyadda shirkadaha, balse waxaa la aaminsan yahay in ay u badan yihiin kuwa laga leeyahay Galbeedka.
Xog uruurintii ugu dambeysay ee la sameeyay waxaa si horudhac ah loogu soo bandhigay in Soomaaliya ay haysato 15 xirmooyin shidaal oo ay ku jiraan 30 bilyan oo fuusto oo shidaal oo ah nooca ceyriinka.
Talaabada ay dowladda ku bilowday bixinta shatiyadda ayaa kusoo aadeysa xilli qaar kamid ah qaar kamida dowlad goboleedyada ay qaadaceen Sharciga Batroolka oo ay sheegeen in ay ku jiraan "qodobo halis ah".
Puntland ayaa horey uga digtay shirkadaha caalamiga ah in ay "ku gadsoomaan" xeerkaas, waxaana madaxweyne Farmaajo uu iska indhatiray baaqyo loo diray oo ku saabsan in uusan saxiixin sharciga laga hor-yimid.
GAROWE ONLINE