DF Soomaaliya oo dalbatay in aan la siyaasadeyn dacwadda Badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr Axmed Cali Daahir, ayaa waxa uu soo jeediyay in aanan siyaasadeyn kiiska badda, isaga oo qeybaha kala duwan ee bulshadda waydiistay garab-istaag.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa dhageysiga gal-dacwadeedkan u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya waxay dib u bilaabeysa bisha September ee sanadkan 2019, waxaana xigi doona in uu soo baxo xukunka.

"Ma idin niyad-jebinaayo, midnidii nagula gawrici lahaa gacanteena way ka baxday, garsooreyaal ayaan u dhiibanay, Kenya-na garsooreyaashaasi ayey u dhiibatay, cidii lagu gowracaba, gacanteena kuma jirto," ayuu yiri.

Garsooreyaal tiradooda ay gaareyso 15 oo ICJ ka tirsan kuwaasi oo haatan gal-dacwadeedkan gacanta ku haya ayaa go’aanka soo gaaraya, kaasi oo noqon doona mid aanan rafcaan lahayn, qasabna ay tahay in la fuliyo.

"Waan u bareernay, go’aankeeda iyo geesinimadeena waan qaadanay, maxaa yeelay waxaan aaminsanahay in marka dhinac walba loo eego in aan anaga leenahay oo dhulkeenii ay tahay," ayuu hadalkiisa ku daray.

Kenya ayaa muran-gelisay 100 KM oo isku wareeg ah oo ku yaala xuduud badeedka labada wadan, halkaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka dabiicigi ah sidda shidaalka iyo Gaaska naqaska ah.

"Waan hubnaa in aan inta badan ku guuleysaneyno, INSHA ALLAH," ayuu yiri. "Waxaan waydiisanayaa shacabka in aan u midowno qaddiyadda noocaasi oo kale oo aanan la siyaasadeyn oo aanan la qab-yaaladeyn".

Xukuumadda Muqdisho ayaa bishii August ee 2014-kii dacwadda u gudbisay xeer-beegtada hoostagta Qaramada Midoobay markii ay burbureen isku day Kenya ku damacsaneyd in arrintan lagu dhameey qaab hoose.

Dooda Soomaaliya ayaa ku saleysan sharciga ICJ oo ah in hadii labadda dal ay heshiis ka gaari waayaan murankooda ay Maxkamadda u kala gar-qaado, balse dowladda Nairobi waa ay kasoo horjeedaa arrintaasi.

"Annaga iyo Kenya waan ku heshiin waynay, sidaasi darteeda, Maxkamadda ayaa noo kala gar-qaadeysa. Dacwadeena waxay ku saleysan tahay shuruucda caalamka, caddeymo, xaqiiq iyo juquraafi ahaan," ayuu kusoo xiray.

Kiiska Badda oo xurguf diblumaasiyadeed ka dhex-qarxiyey labadda dowladood ee deriska ah ayaa hadii dhanka Soomaaliya loo xukmiyo waxay Kenya noqon doontaa wadan aanan bad lahayn, sidda Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM