Dowladda Soomaaliya oo "dooneysa" in uu Deni ka dego Muqdisho

Image

GAROWE, Puntland – Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa quudareyneysa in uu Muqdisho ka dego madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, sida uu shaaciyey Wasiirka Arrimaha Dibada xukuumada federaalka.

Axmed Ciise Cawad ayaa hadalkaas ka sheegay furitaanka Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo Axada maanta ah ka furmay magaalada caasimada ah ee Garowe.

Cawad ayaa horkacaya wafdiga dowladda federaalka u dirtay madasha. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul wasaare Khayre waxay rajeeyeen in uu guul kusoo dhamaado shirka, sidda uu Cawad ka dhawaajiyey.

Isagoo hadalkiisa sii wata, diblumaasiga ugu sareeya xiriirka caalamka ee Soomaaliya ayaa adkeeyay ahmiyada ay leedahay in wadahadal lagu soo afmeero kala aragti-duwanaanta siyaasadeed ee dowlada iyo Puntland.

"Madaxda dowlada Soomaaliya dhowr mar bey Garowe yimaadeen, annaga wafdigeena markii saddexaad baannu imaaneynaa intii uu madaxweyne Deni madaxweynaha ahaa. Hadda annaga, Xamar iyo madaxyadaba waxaan aad ugu han-qaltaageynaa diyaar kasta oo dageysa u fiirinaa in uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni la socdo, iyadduna waan fileynaa, wixii tabasha ah ee jirana uu sheego," ayuu u sheegay ka qeybgaleyaasha.

Kadib markii uu sawaxan iyo sacab is-qabsaday hoolka kadib erayadaas, Cawad ayaa raaciyey "waa naga dhab, ma kaftameyno".

"Uma aanan imaan halkaan in aan maaweelino dadka, laakiin dhabtu saas weye. Soomaaliya waa sidda jirka bini'aadamka. Dowladda federaalka waa madaxii, dowlad goboleedyaddana waa xubnihii jirka. Puntland waa meesha ugu muhiimsan dowladnimada Soomaaliya. Hadii aysan la shaqeyneyn Puntland, dowladnimada Soomaaliya ma shaqeyn karto," ayuu raaciyey, isagoo guul u rajeeyay Shirweynaha Wadatashiga Puntland.

Puntland oo hormuud u ah nidaamka federaalka ayaa ku eedeysay dowladda Farmaajo in ay baalmartay dastuurka isla markaana isku koobtay go'aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah sida doorashooyinka.

Inta badan madaxda dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilaa in aysan dhaqan-gelin hadalada ay ka sheegaan fagaareyaasha oo ah in ay diyaar u yihiin miiska wadahadalka oo ay la fariistaan maamulada naqdiyey.

MUUQAALKA CAWAD

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM