DF Soomaaliya oo ka hadashay Internet la'aanta qaybo kamid ah dalka

Image

MUQDISHO | Injineer Cabdi Canshuur Xasan, wasiirka boostada iyo isgaarsiinta, ayaa sheegay in "cilad farsamo" oo ku timid xariga internet-ka siiya koonfurta Soomaaliya ay ka dhalatay khad la'aanta qaybo kamid ah dalka.

Mr Xasan oo sheegay in cilad bixinta ay qaadan karto muddo maalmo ah oo uusan cayimin ayaa sheegay in ay ku dedaalayaan sidii loo dedejin lahaa shaqada.

Wallow uu ka dhawaajiyey in ay baaris ku socoto meesha ay cilada ka dhacdey, shirkadda gaarka loo leeyahay ee DALCOM ayuu xusay in ay leedahay fiber optic-gaas loo maleynayo in uu markab jaray maadaama dabaylo jireen saacadihii lasoo dhaafay.

Mar la su'aalay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dowladda ka dambeyso arrintaan lana xiriirto xiisada siyaasadeed ee jirta, wasiirka ayaa meesha ka saarey. 

"Dowladda adeeg bey bixisaa mooyee, dadka ma hagrato; waxba kama jiraan arrintaas," ayuu u sheegay Raadiyaha maxaliga Kulmiye ee Muqdisho.

Bishii June, 2017 ayay ahayd markii sidaan oo kale cilad ay ku timid internet-ka koonfurta Soomaaliya, waxaana loo aaneeyay in uu markab jiiray fiiladii khadka ee badda dhexdeeda soo marta, waxaana uu maqnaa todobaad.

Hase ahaatee, maqnaanshiyahan ayaa kusoo hagaageysa maalin kadib markii aqalka hoose sheegey inuu kalsoonida kala noqdey xukuumadda Khayre.

Dhanka kale, waxaa culeys laga dareemayaa wicitaanka dibadda iyo gudaha koonfurta Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho, mana jiro wax fahfaahin oo arrintaan ka bixiyeen shirkadaha iyo dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM