DF Soomaaliya oo shaacisay go'aan la xiriirta muwaadiniinta Suudaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Muwaadiniinta Suudaan ee ku nool Soomaaliya ayaan laga qaadi doonin khidmad lacageed laguna soo rogi doono ganaaxyo sabab la xiriirta fatahaadaha dalkooda ka jira, sidda ay shaacisay xukuumadda.

Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ra'iisul wasaaraha ku meelgaarka ah, ayaa bartiisa gaarka ee Twitter-ka ku sheegay in go'aankan lagu gaarey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradu yeesheen Khamiista maanta ah.

Khadar ayaa qoraalkiisa oo ku qornaa luuqada Carabga daaha ka rogay in Muqdisho ay dhigeeda Khartuum ku garab taagan tahay xaaladda adag ee dalkaas uu wajahayo.

"Kalfadhigii golaha wasiirada ee aan maanta aan shir gudoominayay, Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh ugu dirtay shacabka walaalaha aan nahay ee reer Suudaan," ayuu qoraalkiisa ku bilaabay Guuled.

Guuleed oo xil-heyntiisu khilaaf dastuuriya ka jiro ayaa ku daray: "Waxaanan muujineynaa dareenkeena iyo isku duubnida aan la leenahay walaalaheena Suudaan ee wajahaya daadadkii ugu xumaa in ka badan boqol sano".

"Waxaan sidoo kale go'aansanay inaan ka dhaafno khidmadaha iyo ganaaxyada muwaadiniinta reer Suudaan ee ku nool Soomaaliya," ayuu kusoo xiray.

Hase ahaatee, ma uusan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan qaabka loo dhaafayo khidmada lacageed iyo ganaaxyadda, si lamid ah hadii ay tahay mid ku meelgaar ah ama in ay sii jireyso illaa iyo amar dambe.

Roobab xoogan oo ka da'ay Suudaan ayaa sababay fatahaadyo galaaftay nolosha 100 qof ayna ku barakaceen in ka badan 500-kun oo ruux. Xaaladan waxay timid iyaddoo qarankaan wajahayo dhowr qalalaase oo dhaqaalaha ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM