DF Soomaaliya oo soo dhaweysay diidmada UN-ka ee qaraarkii Kenya

Image

WASHINGTON, US – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ka hor-yimid qaraar ay Kenya u gudbisay kaasi oo ay dooneysay in Al-Shabaab loogu aqoon-sado urur argagixis oo caalami ah.

Qaraarka oo tirsigiisu ahaa 1267 waxaa qaadacday dowladda Soomaaliya oo ku doodey in uu dab kusii shidayo gagaarka la gaarsiinayo goobaha ay maamusho kooxdaasi, wallow lagu sifeeyay "diidnimo siyaasadeysan".

Hay'addaha Gargaarka ee fadhigoodu yahay Mareykanka ayaa soo jeedinta Kenya ku tilmaamay mid "dambi ka dhigaya kaalmada bini'aadanimo" hadii xaalada baahi ee Soomaaliya ay gaarto 18%.

Al-Shaabab ayaa haatan waxaa saaran xayiraadyo dhanka socdaalka iyo maaliyadda ah, kuwaasi oo ku xusan qaraar sumadiisu tahay 751 kaasoo baxay sanadku markii uu ahaa 2007-dii.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa la rumeysan yahay in ay dhaqaalo ka hesho dhoofinta dhuxusha laga raro koonfurta Soomaaliya, taasi oo ay adeegsato howlgaladeeda gobolka.

Dhinaca kale, xukuumadda Muqdisho ayaa u dabaaldegtay markii uu soo baxay go’aanka Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, kaasi oo dharbaaxo ku ah Kenya.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle, oo farxad ka muujiyey talaabada Golaha misana bogaadiyey ayaa duray qaraarka ay soo diyaarisay dalka deriska ah.

"Waxaan ammaanayaa diidnimada Golaha Ammaanka ee liis ku darida cadaaladda darada ah ee Al-Shabaab, qaraarka 1267," ayuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay danjire Abuukar Baalle.

Kenya, oo hadda u sharaxan kamid noqoshada golahaasi, ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogan Soomaaliya gaar ahaan Jubooyinka, halkaasi oo ay qayb ka yihiin howlgalka AMISOM.

"Waxaan ka codsanayaa dowladda Kenya in ay dhaqan-geliso qaraarka Golaha Ammaanka 751 kaasi oo beegsanaya Al-Shabaab, sida mamnuucida ganacsiga sharci darada ah ee dhuxusha, kaasi oo nolol dhaqaale siinaya howlgalada Al-Shabaab ee gobolka," ayuu xusay.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhextaala xurguf siyaasadeed, taasi oo salka ku haysa dacwad dhanka badda ah, isla markaana Maxkamadda Cadaalada Aduunka ay go’aan ka gaareyso bisha September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM