DF Soomaaliya oo Muqdisho ku xirtay Xubno katirsan Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Macluumaad hoose oo uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijinaya in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay magaaladda Muqdisho ku xirtay laba xubnood oo katirsan maamulka Jubaland.

Wararka ayaa sheegay in ciidamada ay xabsiga dhigeen Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq, oo ah ku xigeenka gudoomiyaha gobolka Gedo iyo Ismaaciil Qarax, oo ah gudoomiyaha degmada Baardheere.

Labada mas'uul ayaa la sheegay inuu shirqooley taliye sare oo katirsan ciidamada dowladda Federaalka, kaasoo ku casuumay magaaladda kadibna markii ay kasoo degeen Garoonka Aadan Cadde la dhigay Xabsiga.

Wali dowladda kama hadlin xariga mas'uuliyiinta Jubaland, balse waxuu kusoo beegmayaa xilli dowladda Federaalka ay dedaal ugu jirto sidii ay kula wareegi lahayd gobolka Gedo, halkaasi oo ay kawado dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Saraakiisha la xiray ayaa lagu soo waramayaa inay kasoo horjeedeen ciidamada dowladda u daabushay Gedo, iyagoo ku tilmaamay tallaabada mid lagu hurinayo dagaal ka dhaca gobolka.

Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay inay burburinayso nidaamka Federaalka, islamarkaana ay duulaan ku tahay maamullo nabdoon, halkii ay kala dagaalami lahayd Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM