DF Soomaaliya oo saxiixdey mashruuc loogu magac-daray Eng Yariisow

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee Midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah u saxiixay mashruuc ay ku baxeyso 23 Milyan Yuuro.

Mashruucan horumarineed oo loogu magac-daray Eng. Yariisow uuna maal-gelinayo EU-da ayaa waxaa laga fulinayaa magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.

Qaybtiisa Muqdisho, mashruuca Eng Yariisow, oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhan-yahay 17 KM.

Qaybtiisa Berbera ayaa waxaa looga shaqeynayaa xoojinta awoodda dowladaha hoose ee qorshaha horumarinta magaaleynta iyo horumarinta dhallinyarada.

Munaasabadda lagu saxiixay heshiiska waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha gobalka Banaadir, safiirka midawga Yurub. Nicolas Berlanga Martinez iyo qoyska guddooyihii hore ee gobalka Banaadir.

Mr Manservisi ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in mashruucu uu ka qayb qaadanayo hir-gelinta hidnisihii iyo riyooyinkii nabadda iyo horumarka ee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Yariisow.

Dhankiisa, Jamaal oo xusay in Mashruuca Eng. Yariisow uu ka qayb qaadanayo dadaallada horumarinta dalka, ayaa caddeeyay in dhawaan la hir gelin doono.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tibaaxay in xaqiijinta mashruuca ee diiradda lagu saarayo "uu caddeyn u yahay in dowladdu ay muhiimad siinayso guuleysiga aragtidii marxuum Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM