DF Soomaaliya oo shaacisay kaalinteeda khaarijinta Dhoqob

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay dilka ku xigeenkii hogaamiyaha Daacish garabka Soomaaliya.

Cabdixakiim Maxamed Ibraahim [Dhoqob] ayaa lagu khaarijiyay weerar cirka ah oo Axadii lagula beegsaday tuulada Xiriiro ee gobolka Bari.

Wakaalada wararka u faafisa dowladda ayaa sheegtay in kumaandooska Soomaaliya ay ka qayb qaateen howlgalka lagu dilay Dhoqob.

"Howlgalka waa mid ka mid ah dadaalada lagu wiiqayo awoodda Argagixisada laguna badbaadinayo Shacabka," ayay SONNA kasoo xigatay sarkaal.

Sidda ay sheegeen goobjoogayaal, diyaarad ayaa dhowr gantaal ku dhufatay gaari uu la socday Dhoqob oo uu wehliyey ruux kale.

Wali lama ogga waxa uu ahaa shaqsiga kale, inkasta oo warar soo baxaya ay sheegayaan in uu ahaa darawalkiisa.

"Ciidanka Qaranka iyo saaxiibadooda Caalamiga ah waxey u taaganyihiin in cadowga uusan heli gabaad," ayuu sarkaalku daba dhigay hadalkiisa.

Balse wakaaladda ma aysan shaacin dalka leh diyaaradda howlgalka fulisay, wallow Mareykanka looga bartay weeraradaan oo kale.

Hadii la xaqiijiyo, waxa ay noqoneysaa duqeyntii saddexaad oo uu Mareykanka ku beegsado Daacishta ku dhuumaaleysanaysa buuraleyda gobolka Bari.

Bishii November 2017-kii ayay ahayd markii laba weerar oo cirka ah oo uu mid ka badbaaday hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya uu Mareykanku qaaday.

Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa xusay in geerida Dhoqob ay soo dardargeliso ciribtirka kooxaha argagaxisada ah. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

Sidda ay sheegeen dadka yaqaano Cabdixakiin Dhoqob, waxa uu sanadkii 2015-kii kasoo goostay Al-Shabaab, si uu door ugu yeesho aas-aaska Daacishta Soomaaliya oo la tilmaamay in ay haysato 200 illaa iyo 300 dagaalame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM